Qaramada Midoobay ayaa sheegtay toddobaadkii hore in abaartu saamaysay 80% Soomaaliya, iyadoo intaas ku dartay in abaarta ka jirta Soomaaliya ay kasii dari doonto labada bilood ee soo socda kadib markii ay yaraadeen roobabkii sannadkan.
Abaartan ayaa haatan saamaysay gobollo badan oo ku yaalla Soomaaliya oo uu ka mid yahay gobolka Hiiraan. Magaalada Beledweyne ee caasimadda gobolkaas waxaa kor u kacay qiimaha raashinka xilli ay abaari taagan tahay.
Warbixintan waxaa inoo soo diray Xuseen Xasan Dhaqane.