MUQDISHO —
Inkasta oo lasoo dhameystiray doorashada kuraasta Aqalka Sare ee Soomaaliya, haddana waxaanay fari-ka-qodneyn doorashada Aqalka Hoose, tan hoggaanka Baarlamaanka iyo doorashada ugu danbeysa ee madaxweynaha Soomaaliya.
Haddaba, aqoonyahanka Soomaaliyeed sideey u arkaan hannaanka ay ku socoto doorashada dalka. Warbixintaan waxaa ku eegaya wariyaha VOA-da ee Muqdisho, Cabdicasis Barrow.