Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wareysi ku saabsan taariikhda weriye Cabdicasiis Afrika


Cabdicasiis Africa
Cabdicasiis Africa

Soomaaliya waxay safka hore uga jirtaa meelaha ugu khatarsan dunida ee uu saxafi ka shaqeyn karo. Wariyaal badan ayaa lagu dilay magaalada Muqdisho oo kaliyah dhowr iyo tobankii sano ee lasoo dhaafay.

Kooxaha dila ama dhaawaca wariyayaasha Soomaalida ayaa intooda badani baxsada, taasoo ka dhigan in aysan caddaalad helin inta badan wariyayaashi lagu dilay Soomaaliya.

Waxaa ugu danbeeyay Allah ha u naxariistee, Cabdicasis Maxmuud Guuleed Africa oo ay Jimcihii kooxda Al-Shabab ku khaajirisay magaalada Muqdisho.

Haddaba, Nur Xasan Nur ayaa taariikhda marxuumka ka wareystay, afhayeenka xukuumadda Soomaaliya Maxamed Ibrahim Nur (Macallimuu) oo si wanaagsan u yaqaannay saxafiga la dilay.

Wareysi ku saabsan taariikhda weriye Cabdicasiis Afrika
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:43 0:00


XS
SM
MD
LG