WASHINGTON —
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala oo in muddo ah ay shaqo-wadaag ahaayeen agaasimihii Radio Muqdisho Cabdicaziz Afrika oo xalay lagu dilay qarax lagu soo weeraray gaarigiisa ayaa ka sheekeeyay qofka uu ahaa iyo noloshiisii marxuumka.
Al-cadaala ayaa taariikhdii Afrika uga warramay wariyaha VOA ee Washington Sahra Cabdi Axmed.