Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Agaasimihii Radio Muqdisho oo ku Geeriyooday Qarax ka Dhacay Muqdisho


Agaasimihii idaacadda Radio Muqdisho Cabdicasiis Maxamuud Guuleed ayaa ku geeriyooday qarax maanta ka dhacay magaalada. Qaraxa ayaa la sheegay in uu ka dhacay agagaarka Daljirka Daahsoon ee Muqdisho.

Cabdicasiis Afrika ayaa qaraxaasi markii hore waxaa ka soo gaaray dhaawac kaas oo uu u geeriyooday.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe ayaa VOA u xaqiijiyay geerida Cabdicasiis Afrika.

Qoraal uu Facebook soo dhigay wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Caddaala ayuu ku yiri "Ilaaheey ha u naxariisto walaalkeey Cabdi Casiis Maxamuuud Guuleed Afrika, wuxuu ahaa halyay Qaranka ka baxay . Walaal iyo saaxiib igu wayn ayuu ahaa."

Qaraxa ayaa waxaa sidoo kale wararku sheegayaan in uu ku dhaawacmay agaasimaha TV-ga Qaranka SNTV Sharma’arke Maxamed Warsame.

Qaraxa oo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin waxa uu ahaa ayaa qabsaday gaari ay wateen Agaasimayaasha Radio Muqdisho Allaha u naxariistee Cabdicasiis Afrika iyo agaasimaha telefashinka Qaranka Sharmaarke Warsame oo dhaawac uu soo gaaray.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka, laakin inta badan qaraxyada noocaan ah ayaa waxaa fulisa kooxda Al-Shabaab.

Mas’uuliyiinta amniga ee dowladda Soomaaliya ayaan wali wax war ah ka soo saarin.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG