GAALKACYO —
Deegaannada Galmudug waxaa ka jirta abaar saamaysay dad iyo duunyo intaba, waxaana masuuliyiinta maamulkaas ay wadahadallo ku saabsan wax ka qabashada abaarahaas la yeesheen Ra'isul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.
Wariyaha VOA Cabdiwaaxid Macalin Isaaq ayaa xaaladda abaarahaa iyo kulamo laga yeeshay ka waraystay wasiirka Gargaarka iyo Maaraynta Masiibooyinka Galmudug Cabdiraxmaan Maxamed Diiriye.