KISMAAYO —
Deegaannada Jubaland waxaa ka jirta abaar saameesay dadka iyo duunyada, waxaana sii kordhaya kuleelka iyo biyo la'aanta, iyada oo ay abaartu galaafatay nolosha xoolihii ugu badnaa.
Wasaarada Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ee Jubaland ayaa gurmad ka biloowday deegaannadaas, kaas oo lagu badbaadinayo dadkii ay xooluhu ka dhammaadeen, kuwaasi oo kusii qulqulaya magaalooyinka Jubada Hoose iyo Gedo.
Wariyaha VOA ee Kismaayo Aadan Maxamed Salaad ayaa ka wareestay arrimahaasi Wasiirka Wasaarada Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Jubbaland Cabdiraxmaan Cabdi Axmed, isaga oo weeydiiyay marka hore meelaha ay gurmadyada gaarsiiyeen.