Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Baarlamanka Galmudug oo u codeeyey laba senator


Senator Cabdi Qeybdiid

Baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa maanta qabtay doorashada laba xubnood oo ka harsan xubnaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya.

Doorasho ka dhacday magaalada Dhuusamareeb ayaa dib loogu doortay kursigii uu ku fadhiyay Senator Cabdi Xassan Cawaale Qeybdiid. Waxaa isna doorashada maanta ku soo baxay Cabdi Cismaan Xareed oo noqonaya senator cusub oo Galmudug ku matali doona Aqalka Sare.

Doorashada ayaa u dhacday qaab gacan taag ah ka dib markii ay tanaasuleen musharraxiintii kale ee kuraastan kula tartami lahaa ragga la doortay.

Wariyaha VOA Cabdiwaaxid Macallin Isxaaq ayaa warbixintan noo soo diray.

please wait

No media source currently available

0:00 0:02:24 0:00

Labadan senator ee maanta la doortay ayaa dhameystiraya tirada sideedda xubnood ah ee Galmudug ay ku leedahay Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Waxa ay sidoo kale tani ka dhigan tahay in dhammaan xubnaha Aqalka Sare ay haatan dhamesytiran yihiin, lana filayo in maalmaha soo socda ay bilaabaan in ay isku yimaadaan si ay guddoon dhexdooda isaga doortaan.

Doorashada xubnaha Aqalka Sare oo ka kooban 54 xubnood ayaa bilaabatay 29-kii July ee sanadkan, iyadoo qaadatay ku dhowaad afar bilood.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG