Belarus iyo xulafadeeda Ruushka ayaa Jimcahan maanta ah ku dhawaaqay in labada dal ay si wadajir ah dhoollatus millateri uga sameynayaan meel u dhow xuduudka galbeed ee Belarus uu la wadaago Poland, gobolkaas oo ay ka jirto xiisad dhanka socdaalka ah.
Wasaaradda Difaaca Belarus ayaa "Telegram-ka" ku sheegtay in ciidamada labada dal ay sameynayaan dhoollatus ay ujeeddadiisu tahay "xoojinta dhaqdhaqaaqa militari" ee u dhow xadka, halka Moscow-na ay xaqiijisay in dhoolatusku uu qayb ka yahay "hubinta u diyaargarowga dagaal lama filaan ah "
Arrintan ayaa imaneysa xilli dunida galbeedka iyo waddanka Belarus uu ka dhex aloosan yahay buuq weyn oo ku saleysan qaabka uu waddankaasi ay Raashka xulafada yihiin ula dhaqmo qaxootiga magan-gelyo doonka ah ee doonaya in ay xuduuddeeda gooshaan.
Dadka ku dhibaataysan soohdinta u dhaxaysa labada dal ee Belarus iyo Poland waxaa kamid ah tobannaan Soomaali ah oo duruufo ba’an ay halkaasi ku hayaan.
Mareykanka iyo Midowga Yurub ayaa si kulul u cambaareeyay qaabka ay "foolxumada" ku sheegeen ee ay Belarus ula dhaqanto qaxootiga.
Ururka Caafimaadka Adduunka, ayaa isagana maata walaac ka muujiyay xaaladda caafimaad ee kumannaanka muhaajiriinta ah ee ugu xayiran Belarus khilaafka ka taagan xadka Midowga Yurub awgii.
Agaasimaha gobolka WHO ee Yurub Hans Kluge ayaa ku booriyay "dhammaan dalalku" inay "ilaaliyaan xuquuqda caafimaadka qaxootiga iyo muhaajiriinta ku sugan xudduudaha Belarusiya, kuwaas oo intooda badan u baahan gargaar caafimaad."