Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Myanmar: Weriye Mareykan ah oo Xabsi Lagu Xukumay


Makamad ku taala dalka Miyanmaar ayaa ku xukuntay wariye u dhashay Mareykanka oo lagu magacaabo Danny Fenster 11 sanadood oo xarig ah, isagoo lagu soo eedeeyay ku lug lahaanshiyaha urur aan sharci aheyn, kicin ka dhan ah milatariga iyo inuu jebiyay sharciga dhinaca dal ku galka ah ee dalkaas.

Hadalkan waxaa sheegay jimcaha maanta ah hey’ad uu u shaqeynayay iyo qareenkiisa.

Qareenka Fenster ayaa u sheegay VOAda in hadda aaney qorshaha ugu jirin inay racfaan qaataan.

Wariyahan ayaa sidoo kale wajahaya eedo dheeri ah oo la xiriira argagixisanimo kuwaas oo uu ku muteysan karo xabsi daa’in.

Fenster ayaa lagu xiray garoonka diyaaradaha ee Yangon bishii May ee sanadkan xilli uu doonayay inuu dayuurad u raaco Mareykanka.

Afhayeen u hadlay wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka a Ned Price oo la hadlayay VOAda ayaa ku baaqay in wariyahan sida ugu dhaqsiyaha badan loo sii daayo.

XS
SM
MD
LG