Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qarax ay dhowr qof ku dhinteen oo ka dhacay Muqdisho


Muqdisho
Muqdisho

Ugu yaraan saddex qof ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhinteen, dhowr kalena ay ku dhaawacmeen qarax galabta ka dhacay isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa lagu soo waramayaa in lala beegsaday kolonyo baabuur ah oo ay wateen ciidamada AMISOM oo halkaasi marayay.

Warku wuxuu intaasi ku darayaa in qaraxa uu ahaa gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo lala eegtay kolonyada AMISOM isgoyska Banaadir gaar ahaan meel ku dhow xarunta Villa Baydhabo.

Qaar ka mid ah goobjoogayaal ka ag dhowaa isgoyska marku qaraxa dhacayay ayaa wariyaha VOA-da ee Muqdisho Cabdi Casiis Barrow u sheegay inay arkayeen ilaa sadex qof oo ku dhintay qaraxa.

VOA-da oo isku dayday uma suurta galain in warka ku saabsan tirada dhimashada iyo dhaawaca ay ka xaqiijiso mas’uuliyiinta amniga.

Qaraxan ayaa ku soo beegmaya iyadoo taliyayaasha amniga iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ay safar dhulka ah ku tageen magaalada Balcad.

XS
SM
MD
LG