Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Rooble oo furay Madasha Arrimaha Bani’aadamnimada ee Soomaaliya


Madasha Bani'aadaminimada
Madasha Bani'aadaminimada

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay Madasha Arrimaha Bani’aadamnimada ee Soomaaliya oo ay soo qaban qaabishay Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ee XFS.

Madashan oo ay ka soo qeyb galeen wakiillada Beesha Caalamka iyo Hay’adaha gargaarka ka shaqeeya ayuu Ra’iisul Wasaare Rooble ka sheegay in roobabkii la filayay ee baaqday ay sababeen cunto yari iyo abaaro, taas oo keentay xaalad bani’aadamnimo oo sii xumaaneysa.

Dhinaca kale, war-xafaadeed kasoo baxay Madasha ayaa lagu sheegay in xaalad abaar oo darran ay ka jirto qeybo badan oo dalka ka mid ah.

“Colaado iyo abaaro ayaa meelo badan oo dalka ka mid ah u horseeday cunto yari, daaqa iyo biyaha ayaa gabaabsi noqday inta badan dhul-daaqsimeedkii ay abaartu saamaysay taasoo sababtay dhimasho iyo barakac xoolo iyo deegaan,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Qoraalka ayaa intaas ku daray “Iyada oo qayb ka ah baaq wadareed oo ficil ah, dhawr tallaabo oo la taaban karo waa in la tixgeliyaa oo isla markiiba la hirgeliyaa, fududaynta gaarsiinta gargaarka, oo ay ku jiraan soo dejinta iyo dhoofinta sahayda gargaarka iyo saadka muhiimka ah, iyo sidoo kale xawaaladaha; Joojinta ku meel gaadhka ah ee shuruudaha cusub ee xafiisyada heer federaal ee bixiyayaasha gargaarka; ilaalinta amniga; kordhinta taageerada saadka ee helitaanka, iyo dayactirka kaabayaasha muhiimka ah.”

“Waa in la qaadaa tallaabooyin dheeri ah oo wax ka qabasho leh haddii ay suurtagal tahay, barnaamijyada iyo mashaariicda jira ee looga faa'iideysanayo dadka ay abaaruhu saameeyeen: abuurista iyo wadaagista xogta saxda ah iyo xogta si loo taageero jawaabta, koror laxaad leh oo ku yimid tabarucaad maaliyadeed oo shaqsi ah, shirkadeed, UN, Saaxiibadda Caalamiga ah, qurbajoogta iyo ka-qaybgalka macnaha leh oo wax-ku-ool ah ee qaab-dhismeedka isuduwidda ee la aasaasay.”

XS
SM
MD
LG