Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Galmudug oo doorashada Aqalka Sare dhameystireysa Sabtida


Xarunta Aqalka Sare
Xarunta Aqalka Sare

Maamulka Galmudug ayaa maalinta Sabtida soo geba-gebeyn doona doorashada Aqalka Sare ee Soomaaliya, ayada oo la dooran doono labada kursi ee ku harsan maamulkaas, sida ku cad jadwal uu maanta soo saaray guddiga doorashada Galmudug.

Labadaas kursi ayaa noqon doona kuwa ugu dambeeya 54-ka kursi ee doorashada Aqalka, ayada oo dhammaan maamul goboleedyada kale ay soo geba-gebeeyeen doorashada.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa xalay wuxuu shaaciyey afarta musharax ee u taagan labada kursi ee ku haray maamulkiisa.

Afartaas musharax ayaa kala ah; Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid iyo Cawil Nuur Cali oo ku tartamaya mid ka mid ah kuraasta, iyo Cabdi Cismaan Xareed iyo Mahad Aadan Guuleed oo ku loolamaya kursiga kale.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa shalay sheegay inuu doonayo in doorashada Aqalka Hoose lagu dhammaystiro bisha December gudaheed.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa hadalkan jeediyey kadib markii uu kulan fogaan-arag ah la yeeshay guddiyada doorashada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in uu dhawaan booqan doono goobaha ay doorashadu ka dhaceyso, si uu ugu kuur galo habsami u socodka doorashada.

Doorashada Aqalka Hoose ayaa ilaa hadda la qabtay kaliya laba kursi.

XS
SM
MD
LG