Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Rooble oo doonaya in doorashada golaha shacabka lagu dhammeeyo December gudaheed


Rooble
Rooble

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay inuu doonayo in doorashada Aqalka Hoose lagu dhammaystiro bisha December gudaheed.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa hadalkan jeediyey kadib markii uu kulan fogaan-arag ah la yeeshay guddiyada doorashada.

Rooble Rooble ayaa sheegay in Xukuumaddu diyaar u tahay fududeynta arrimaha farsamo, amni iyo dhaqaale ee lagama maarmaanka u ah qabsoomidda doorashada.

Waxa uu guddiyada faray in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u soo gudbiyaan qorshe howleedka qabashada doorashada, ayna tagaan goobaha doorashadu ay ka dhaceyso.

Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ku boorriyay guddiyada doorashada in la dhowro qoondada haweenka 30% ee Xildhibaannada Golaha Shacabka ee BFS.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in uu dhawaan booqan doono goobaha ay doorashadu ka dhaceyso, si uu ugu kuur galo habsami u socodka doorashada.

Doorashada Aqalka Hoose ayaa ilaa hadda la qabtay kaliya laba kursi, halka tan Aqalka Sare ay ka harsan yihiin laba kursi, oo ku dhiman maamulka Galmudug.

XS
SM
MD
LG