MUQDISHO —
Weli waxaa hakad ku jira dhismo ka socday cisbitaalka Laansaleeti ee ku yaalla Muqdisho, halkaas oo laga hir-gelinayay sida la sheegay xarunta gurmadka deg-degga ah ee hoos-tagta wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Soomaaliya.
Dhismahan ayaa waxaa hor istaagay dad diidanaa in wax ka baxsan shaqadii uu horay u qaban jiray cisbitaalka laga hirgeliyo. Dowladda Soomaaliya weli si rasmi ah ugama hadal xayiraadda ku timid dhismahaan.
Warbixintaan kusoo diray weriyaha VOA-da ee M,uqdisho Cabdicasiis Barrow.