Dagmada Garbahaarey ee xarunta Gobolka Gedo ayaa waxaa ka soconaya dhaqdhaqaaqyo loogu diyaargaroobayo qabashada doorashada xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamanka 11-aad ee Soomaaliya.
Waxaa aad loo adkeeyay ammaanka goobaha ay doorashooyinka ka dhici doonaan, waxaana ay mas’uuliyiinta gobolka Gedo sheegeen in ay u diyaargaroobeen qabashada doorashooyinka xilli aysan dhaqangelin heshiisyadii ay maamulka Jubaland iyo Dowlada Federaalka ka gaareen arimaha Gedo.
Warkan waxaa Kismaayo kasoo diray Wariyaha VOA Aadan Maxamed Salaad.