Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dagaalka Ethiopia oo saameyn dhanka safarka ah yeeshay


Colaadda ka taagan Ethiopia ee u dhexeysa ciidamada dowladda iyo kuwa ururka TPLF ayaa saameyn ku yeelatay safarrada dadka isaga kala gooshaya guud ahaan gobollada dalka Ethiopia.

Dagaalka ayaa keenay inay yaraadaan safrrada dadka iyo duullimaadyada deegaanka Soomaalida ee Ethiopia ee tagaya caasimadda Addis Ababa, taas oo hoos u dhac ku keentay shaqooyinka shirakafaha arrimaha safarka.

Dhinaca kale waxaa aad u kordhay Soomaalida ka socdaalaysa magaalada Addis Ababa ee deegaanka Soomaalida Ethiopia ama dib ugu laabanaysa magaalooyinka ka mid ah Soomaaliya oo markii hore ay ka tageen.

Warbixintan waxaa Jigjiga kasoo diray Maxamed Cabdiraxmanaan Gaataa.

Dagaalka Ethiopia oo saameyn dhanka safarka ah yeeshay
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:50 0:00


XS
SM
MD
LG