ADDIS ABABA —
Warbixin ay si wada jir ah usoo saareen Qaramada Midoobay iyo Ethiopia ayaa lagu sheegay in dhammaan dhinacyada isku haya colaadda gobolka Tigray ee dalka Ethiopia ay ku kaceen tacaddiyo la mid ah dambiyo dagaal.
Warbixintan oo lasoo saaray kadib baaris la sameeyay ayaa waxay ku eedeyneysaa dhinacyada oo dhan inay geysteen jirdil, xasuuq ka dhan ah dad rayid ah, xarig ku saleysan isir iyo kufsi.
Warbixin ay arrintan ka qortay wakaaladda wararka ee Reuters waxaa soo jeedinaya Xuseen Barre Aaden.