Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Diyaarad ku gubaneysa garoonka diyaaradaha Doolow


Diyaarad ku gubaneysa Doolow
Diyaarad ku gubaneysa Doolow

Diyaarad ayaa hadda ku gubanaysa garoonka diyaraadaha magaalada Doolow ee gobolka Gedo, sida ay xog sawirro wata ku heshay VOA.

Diyaraadda ayaa nooceedu yahay C-160 waana diyaarad xamuul. Waxay saaka ka tagtay magaalada Muqdisho iyadoo sidda xamuul.

Ilo-wareedyo ayaa u sheegay VOA in diyaaradda uu dab qabsaday markii ay soo cago dhigataay garoonka.

Ilaa hadda lama sheegin wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay shilkan. Sidoo kale mas’uuliyiinta Doolow iyo kuwa gobolka Gedo ayaan weli ka hadlin.

Wixii kusoo kordha kala soco VOA, Insha Allah

XS
SM
MD
LG