Tobanaan kun oo Soomaali ah, ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay ku dhex guur-guurayay magaalooyinka kuwaas oo duruufaha qallafsan ee ka dhasha isbeddelka cimiladu ay ku qasbayeen xoolo-dhaqatada iyo beeraleydu in ay ka haajiraan deegaannadooda iyaga oo ciirsanaya magaalooyinka oo aanay nolol aad u dhaanta tii ay ka soo carareen uga horreynin.
Warbixintan oo diiradda saareysa dadka ay xoolahoodii ka dhamaadeen ee hadda barakaca ku ah duleedka magaalooyinka waxaa innoo haya Jacfar Kuukaay.