GURICEEL —
Ciidamada dowlad goboleedka Galmudug iyo kuwa dowladda federaalka ee taageerayey ayaa maanta si buuxda ula wareegay gacan ku haynta magaalada Guriceel oo dagaallo ay ka socdeen maalmihii tegay.
Ciidamadii Ahlu Sunna Waljamaaca ee ka dagaalamayay qeybo ka mid ah magaalada ayaa la soo sheegayaa inay magaalada ka baxeen xalay goor dambe.
Wararka ayaa sheegaya in bixitaanka Ahlu-Sunna uu ku yimid heshiis ay ka shaqeeyeen siyaasiyiin iyo ganacsato kasoo jeeda gobolka.
Faah-faahinta warkan waxaa Gaalkacyo kasoo diray wariyaha VOA-da Cabdiwaaxid Macallin Isxaaq.