Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kooxda Daacish oo sheegatay qaraxii ka dhacay Kampala


ISIS flag
ISIS flag

Kooxda ISIS ayaa Isniinta maanta ah sheegatay mas’uuliyadda qarax ay dad ku dhinteen oo Sabtidii ka dhacay maqaayad ku taalla dalka Uganda, iyadoo booliisku ay weerar ku tilmaamay ficil argagxisio oo maxalli ah.

Baarayaasha ayaa sheegaya in haweeney 20 jir ah lagu dilay saddex qof oo kalana lagu dhaawacay qarax ka fiidnimadii Sabtidii dhacay maqaayad caan ah oo ku taalla waqooyiga caasimadda Kampala.

Booliiska ayaa sheegay in walxa qarxa looga tagay miis hoostiis, taasi oo muujinaysa in howshan ay fuliyeen kooxo aan aqqoon durugsan u laheyn, waxayna hoos u dhigeen in ay wax xiriir ah la lahayd shabakad shisheeye.

Hase yeeshee, farriin ay Daacish soo dhigatay boggeeda isgaarsiinta ayay ku sheegtay in ay weerarka fulisay, waxayna sheegatay in ay dishay laba qof shanna dhaawacday.

XS
SM
MD
LG