Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dagaal kale oo ka dhacay Guriceel iyo saraakiil ka tirsan Ahlu-Sunna oo isbitaal lagala baxay


Ahlu-Sunna
Ahlu-Sunna

Wararka ka imanaya magaalada Guriceel ayaa sheegaya in dagaallo goosgoos ah ay maanta kasii socdeen magaalada kuwaasi oo u dhexeeya dawladda federaalka cidankeeda iyo kuwa Ahlu-Sunna.

Dhinacyadii dagaalamay ee Ahlu-Sunna Iyo Galmudug ayaa wali isku horfadhiya goobihii lagu dagaalamay, iyadoo ilaa haatan aysan muuqanin waan lagu dhexdhaxaadinayo labada dhinac oo horgashay.

Dagaalka maanta oo galay maalinkii labaad ayaa sida ay wararku sheegayan waxa uu sababy khasaaro kala gaaray dhinacyadii dagaalamay

Maalintii shalay ayaa ilo kala duwan ay VOA u sheegeen in iska hrimaadka ay ku dhinteen ugu yaraan 20 qof, in ka badan 40 kalena ay ku dhaawacmeen.

Dhinaca kale ilo wareeydyo ayaa u sheegay idaacadda VOA in ciidamada Danab ay xireen 2 xubnood oo ka tirsanaa Ahlu Sunna Waljamaaca oo kusoo dhaawacmay dagaalkii Guriceel oo la keenay magaalada Gaalkacyo si logu dabiibo.

Maamulka degmada Gaalkacyo ee Galmudug, kuwa gobalka iyo saraakiisha ciidamada oo VOA ay la xiriirtay ayaa ka gaabsaday inay ka hadlan xariga xubnaha ka tirsan ciidamada Ahlu-Sunna ee kusoo dhaawacantay dagalka Guriceel.

XS
SM
MD
LG