MUQDISHO —
Xilliyada doorashada dadku waxay u baahanyihiin iney helaan xogo ku saabsan sheekooyinka ku gadaaman xaaladda jirta, laakiin waxaa aad u bata iney kordhaan wararka been abuurka ah, kuwaas oo lagu jahwareeriyo bulshada.
Soomaaliya oo ah dal colaado kasoo baxaya waxa uu ku jirtaa doorashooyin dhowr jeer dib u dhacay. Dhowr jeer waxaa baraha bulshada soo galay warar been abuur ah kuwaas oo jahwareer geliyay dad badan.
Haddaba warbaahinta gudaha sidee arrintaan uga feejiganyihiin. Weriyaha VOA-da ee Muqdisho Cabdicasiis Barrow ayaa warbixintaan soo diray.