Ugu yaraan 20 qof ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhinteen 40 ka badanna ay ku dhaawacmeen dagaal magaalda Guriceel saakay ka qarxay oo u dhaxeeya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Galmudug oo isku dhinac ah iyo ciidamada Ururka Ahlu Sunna Waljameeca.
Saraakiil ay VOA la hadashay oo khasaaraha dagaalka aan ka soo xigannay ayaa sheegay in dhimashadu ay u badan tahay askarta dhinacyaddii dagaalamay.
Wasiirka Warfaafinta Galmudug ayaase VOA u sheegay in dhinaca ciidamada dowladda ay dagaalka kaga dhinteen saddex askari, dhowr iyo toba kalena ay uga dhaawacmeen.
Waxa uu dagaalka ka sheegtay guulo iyo in ay magaalada gacanta ku hayaan oo meel duleedka ah sida uu hadalka u dhigay ay ciidamada Ahlu Sunna rasaas weli ka soo ridayaan.
Dadka dagaalka ku dhintay ayaa waxaa ka mid ah taliyihii ciidanka Danab ee Galmudug, iyo askar kale oo ka tirsan ciidamada, sida ilo kala duwan u xaqiijiyeen VOA.
Laakiin, goob joogayaal ku sugan magaalada oo ay VOA la hadashay caawa ayaa sheegay in aaney jirin cid weli magaalada si buuxda gacanta ugu heysa, laakiin ciidamada dowladdu ay dagaalkii maanta kula wareegeen saldhigga degmada, Xarunta Gobolka iyo goobo kale.
Xiriir ay VOA la sameeysay madaxda Ahlu Sunna si ay dhinacooda uga hadlaan dagaalka ayeysan ka jawaabin.
Halkan ka dhageyso warbixinta Guriceel
Magaalada Guriceel ayaa waxaa gabalku ugu dhacay ka dib saacado badan oo dagaal hubka noocyadiisa kala duwan la isu adeegsaday uu ka socday.
Weli ma jirto cid isku dayeysa in ay kala dhex gasho labada dhinac oo dhowr jeer horey loogu guul dareystay in lagu qanciyo in ay wadahadal ku dhameeyaan khilaafkooda si looga baaqasado colaad uu dhiig badan ku daato.