Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wararkii ugu danbeeyay ee dagaal ka socda Guriceel


Galmudug
Galmudug

Dagaal qaraar oo u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug oo isku dhinac ah iyo malayshiyaad taagersan Ahlusunna ayaa ka qarxay gudaha Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ay la wareegeen gacan ku heynta qeybo ka mid ah Guriceel.

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in uu jiro khasaara isugu jira dhimashada iyo dhaawac oo labada dhinac ee dagaalamaya kala gaaray, inkastoo aan illaa hadda la xaqiijin Karin khasaaraha rasmiga ah.

In kastoo badi dadkii ku noolaa Guriceel ay horay uga barakaceen magaalada cabsi ay ka qabaan dagaal awgii, haddana dhakhatar ka shaqeeya Isbitaalka Istarliin ee magaalada ayaa VOA u sheegay in ilaa hadda la keenay lix qof oo rayid ah oo ku dhaawacmay dagaalka.

Carab Cali oo ka mid ah dad yar oo wali ku sugan Guriceel ayaa VOA u sheegay inay maqlayaan rasaasta dhinacyada ay is waydaarsanayan taasi oo aad u xoogan.

Wixii ku soo kordha halkan ayaan idin kugu soo gudbin doonnaa.

XS
SM
MD
LG