Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Axmed Madoobe oo soo saaray liis murashaxiin Aqalka Sare ah


Axmed Madoobe
Axmed Madoobe

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa saaka soo saaray liiska murashaxiinta u tartameeysa afar kursi oo ka mid ah Aqalka Sare ee Soomaaliya kuwaasi oo dhawaan lagu dooran doono magaalada Kismaayo.

Jubaland ayaa waxaa hore loogu doortay afar Senator, waxaana ku harsanaa afarta kursi ee maanta lasoo saaray liiskooda murashaxiinta.

Dhinaca kale, gudiga doorashooyinka Jubaland ayaa waxay isla maanta shaaciyeen jadwalka doorashada ee afarta kursi.

Warbixintan waxaa Kismaayo kasoo diray wariyaha VOA Aadan Maxamed Salaad.

Axmed Madoobe oo soo saaray liis murashaxiin Aqalka Sare ah
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:11 0:00


XS
SM
MD
LG