Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qarax Khasaare Gaystay oo ka Dhacay Beledweyne


Ciidamada dowladda ee Beledweyne

Qarax xooggan ayaa goordhoweyd ka dhacay magaalada beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Wararka laga helayo magaalada ayaa sheegaya in qaraxa lala beegsaday saldhigga booliiska magaalada.

Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhintay saddex kalana waa ay ku dhaawacmeen qaraxaasi oo ay sababtay miino ku qaraxday gudaha saldhigga booliiska Baledweyne.

Sida ay VOA u sheegeen mas'uuliyiin goobta gaartay oo codsaday inaan magacooda la sheegin, waxaa dadka ku dhintay qaraxa ka mid ah Duqqii degmada Feerfeer ee Soomaaliya Khaliif Garaad Rooble iyo gabar ciidanka booliska ka mid ahayd.

Waxaa sidoo kale la sheegayaa in ay qaraxaas ku dhaawacmeen dad uu ka mid yahay taliyaha saldhiga booliska Baledweyne, Maxamed Qoorsheel.

VOA waxa ay xiriir dhanka telfoonka ah isku dayday in ay la samayso mas'uuliyiinta hay’adaha Amniga si faahfaahin dheeraad ah aan uga helno qaraxan, hase yeeshee nooma suurta galin in aan ku helno khadka telefoonka.

Ilaa hadda ma jirto cid sheegatay qaraxa inkastoo weerarradan noocan ah ay inta badan gaystaan maleeshiyada ururka Al-Shabaab.

Faahfaahinta warkan waxaa nos haya Xuseen Xassan Dhaqane.

Qarax ka dhacay Beledweyne
please wait

No media source currently available

0:00 0:01:09 0:00


Facebook Forum

XS
SM
MD
LG