Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muqdisho: Dhibaatooyinka dadka naafadaha ah ka haysta waddooyinka


Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya waxaa ku nool dad badan oo naafo ah, kuwaas oo hadda sheegaya in iyaga oo horayba xaaladda nolosha ula daalaa dhacayay in haddana ay dhibaatooyin ku qabaan isticmaalka waddooyinka, maadaama dadka kaxeeya mootada bajaajta ah oo aad Muqdisho looga isticmaalo ay wadaan dhallinyaro aan inta badan tix-gelin dadka jilicsan oo ay naafadu kamid yihiin.

Qaar ka mid ah dadka naafada oo la hadlay VOA ayaa sheegay in loo baahanyahay in arrintaasi xal loo helo si iyaga oo aan wal wal qabin ay jidadka u maraan. Warbixin arrintaas ku saabsan waxaa Muqdisho kasoo diray Cabdicasiis Barrow

Dhageyso naafada Muqdisho
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:53 0:00


XS
SM
MD
LG