MUQDISHO —
Maxkamadda Caalmiga ah ee ICJ ayaa go'aan ka gaartay kiiskii dacwadda badda ee u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Kenya, ayada dhulkii la isku hayey intiisa badan u xukmisay Soomaaliya.
Haddaba VOA ayaa la hadashay qaar ka mid ah shacabka Soomaaliyeed oo aragtidooda ka dhiibtay go’aankan, gaar ahaan kuwa kala jooga Boosaaso iyo Muqdisho.