Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Israsaaseyn maanta ka dhacday magaalada Baraawe


Baraawe

Is-rasaasayn ayaa ka dhacday magaalada Baraawe maanta kadib muran ka dhashay qaybsiga golaha degeenka Baraawe oo dhowaan loo dhisay magaaladaas.

Ugu yaraan hal qof ayaa u dhintay mid kalena waa ku dhaawcmay is-rasaasayntan oo ka dhacday agagaarka huteel ku yaalla magaalada.

Mas’uuliyiinta gobolka ayaa u sheegay idaacdda VOA in is-rasaasayntu ay dhexmartay ciidan ilaalinayey huteelka iyo kuwo kale oo soo weeray.

Wararka aynu waxay intaas ku darayaan in huteelka uu ka furmi lahaa siminaar loo furayo golaha cusub ee degmada Baraawe.

Beelaha qaarkood ayaa la sheegay inaysan ku qansacsanayn qaybta ay ka helene golaha degaanka taasi oo keentay is-rasaasaynta, sida ay noo sheegeen ilo wareedyada codsaday inaan magacooda la sheegin sababo amni darteed.

Israsaaseyn maanta ka dhacday magaalada Baraawe
please wait

No media source currently available

0:00 0:02:42 0:00


Facebook Forum

XS
SM
MD
LG