MUQDISHO —
Maalinta Talaadada ah ee toddobaadkan ayaa la filayaa inay Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ) ay go’aan kama-dambays ah ka gaarto muranka badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya.
Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa maanta gaaray magaalada Hague, oo ay ku taalla xarunta Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ), si ay uga qeyb galaan go’aanka Maxkamadda.
Falaqayn ku saabsan ridista xukunkaas iyo sida uu u saamayn karo labada waddan waxaa warbixintan inooga soo diray weriyaha VOA ee Muqdisho Xasan Kaafi Qoyste.
Facebook Forum