Deegaannada gobolka Galgaduud ee maamulka Galmudug waxaa ka jirta cabsi la xiriirta dagaallo dhexmari kara maamulka Galmudug iyo maleeshiyada ururka Ahlu Sunna Waljamaaca.
Dadaallo nabadeed oo laga dhex-waday labada dhinac ayaa guul-dareystay, waxaana la sheegayaa in dadka deggan degmada Guriceel ay bilaabeen barakac, iyagoo ka cabsi qaba dagaal halkaasi ka dhaca.
Wararkii ugu danbeeyey ee xaaladda Galmudug waxaa Gaalkacyo nooga soo diray Cabdiwaaxid Macallin Isxaaq.
Facebook Forum