Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Iska horimaad dhex-maray ciidamo ka wada tirsan dowladda Soomaaliya


Ciidamada
Ciidamada

Wararka ka imanaya magaalada Afgooye ee Gobolka Shabeellda Hoose ayaa sheegaya in maanta halkaasi iska horimaad ku dhexmaray laba ciidan oo ka kala tirsan milatariga iyo booliiska Soomaaliya.

Ilo wareedyo ku sugan Afgooye ayaa u sheegay idaacadda VOA inay ku dhaawacmeen iska horimaadkaas ugu yaraan laba qof.

Ilo wareedyada ayaa sidoo kale u sheegay VOA in dagaalku uu ka dhashay muran u saabsan lacagaha laga qaado mid ka mid ah baraha kontorool ee Afgooye.

Xaaladda magaalada ayaa degtay Afgooye gelinkii dambe ee maanta.

Sarakiisha dawladda ee Afgooye ayaan ilaa hadda rasmi ahana uga hadlin iska horimaadkaas.

XS
SM
MD
LG