Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xildhibaanno ka tirsan baarlamanka HirShabeelle oo ku dhaawacmay qarax


Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ayaa sheegaya, in laba xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka dowlad-goboleedka Hirshabelle xalay lagu dhaawacay qarax miino oo ka dhacay jidka laamiga ah ee dhexmara bartamaha magaaladaas.

Xildhibaanada la beegsaday ayaa kala ah, Maxamed Cabi Cali “Maxamed Dheere” iyo Cabdiraxman Cabdi Iidow “Kheyre”, kuwaas oo ka tirsan baarlamaanka labaad ee HirShabeelle.

Sida uu VOA-da u xaqiijiyay xildhibaan Cumar Maxamed Soomane, labada xil-dhibaan ee xalay lagu dhaawacay Jowhar ayaa la kulmay qarraxa xilli ay ku lugeynayeen meel u dhaxeysa xarunta shirkadda biyaha ee Farjanno iyo saldhiga Booliska, abbaaro labadi habeennimo saqdii dhexe kaddib.

Xildhibaannadan ayaa kusii jeeday guryahooda, kaddib marki ay kasoo laabteen munaasabad xalay ka dhacday magaalada Jowhar oo loogu dabbaal-dagay sannad-guuradi shanaad ee kasoo wareegtay marki la dhisay maamul goboleedka Hirshabelle.

Dhacdadan lagu weeraray labadan xildhibaan ayaa yimid maalmo yar kaddib marki magaalada Jowhar lagu soo gabagabeeyay doorashada xildhibaannada maamulka Hirshabeelle ku matali doona Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

XS
SM
MD
LG