Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Farmaajo oo Addis-Ababa kula kulmay Abiy Ahmed iyo Museveni


Farmaajo Abiy
Farmaajo Abiy

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magaalada Addis-Ababa kulan kula yeeshay Ra'iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed, oo shalay la caleemo saaray, kadib markii xisbigiisa uu ku guuleystay doorashooyinkii dalkaas ka dhacay.

Qoraal ay madaxtooyada Soomaaliya soo dhigtay Facebook ayaa lagu sheegay in Farmaajo iyo Abiy “ay iska xog wareysteen xaaladda Gobolka Geeska Afrika iyo xiriirka labo geesoodka ah ee labada dal oo ay saldhig u tahay daris wanaag, isixtiraam iyo xoojinta dagaalka ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab.”

Farmaajo oo shalay khudbad ka jeediyey caleemo-saarka Abiy Ahmed ayaa sheegay inay muhiim tahay in Dalalka Gobolku ay xoojiyaan iskaashiga, wax-wadaqabsiga, Nabad gelyada, ganacsiga iyo xal u helidda masiibooyinka dabiiciga ah.

“Ethiopia iyo Soomaaliya waxay leeyihiin xiriir laba geesood oo taariikhi ah iyo xiriir saaxiibtinimo oo xooggan oo ku dhisan is-ixtiraam, iyo isku xirnaan sii kordheysa,” ayuu yiri Farmaajo.

Dhinaca kale, Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in Farmaajo uu sidoo kale Addis-Ababa kula kulmay madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni, ayna ka wada-hadleen xoojinta xiriirka labada dal ee ku qotoma dhinacyada iskaashiga ammiga, dhaqaalaha iyo arrimaha gobolka, iyaga oo xoojiyey iskaashiga dagaalka lagula jiri argagixisada.

XS
SM
MD
LG