Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Somaliland oo u jawaabtay Ra'iisul Wasaare Rooble


Rooble
Rooble

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland ayaa jawaab ka bixisay hadal kasoo yeeray ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen oo ku saabsan dad kasoo jeeda Koonfurta Soomaaliya oo laga soo masaafuriyey magaalada Laascaanood.

“Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya wuxuu doortay inuu gudbiyey akhbaaraad aan sal iyo raad laheyn iyo eedeymo ku saabsan arrimo la xiriira go’aanka sharciga iyo lagama maarmaamaanka ah ee dowladda Somaliland ay ku masaafurineyso shakhsiyaad gaar ah, oo si aan sharci aheyn ku deganaa degmada Laascaanood,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Wasaarada Arrimaha Dibedda Somaliland.

Somaliland waxay sheegtay inay muddo ku dhow 30 sano hoy nabdoon u aheyd dad kasoo jeeda Soomaaliya, sida ay u dhigtay.

“Waa muhiim inaan adkeyno in go’aanka dhulka Somaliland looga masaafurinayo shakhsiyaadka la doortay uu ka dhashay arrimo quseeya amniga, oo ay ka mid yihiin codsi ka yimid bulshada iyo mas’uuliyiinta degmada Laascaanood,” ayaa lagu yiri qoraalka.

“Warbixino sirdoon iyo la-tashiyo ayaa bixiyey tilmaamo cad oo ah in shakhsiyaadkan ay halis gelinayeen ammaanka bulshada deegaanka. Sidaas darteed, dowladda Somaliland waxaa qasab ku noqotay inay tallaabo qaado, balse hab si buuxda u ixtiraamaya xuquuqda aadahana dhinacyada, oo ay ku jirto cunno, biyo iyo gabbaad ku-meel gaar ah, iyo ayada oo aan waxyeello hanti iyo mid shakhsi la gaarsiin.”

Somaliland ayaa sheegtay inay yihiin arrimo ka baxsan xuduudaha diblomaasiyadda in “dowladda deriska ah ee Soomaaliya ay faro-geliso arrimaha Somaliland.”

“Daan-daansiga noocan ah looma qaadan doono si fudud, wuxuuna caddeymo dheeraad u yahay in dowladda Muqdisho aan loo arkin saaxiib caalami ah oo la aamini karo, marka ay noqoto nabadda, ammaanka iyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika,” ayaa lagu yiri qoraalka.

XS
SM
MD
LG