Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Laba Senator oo caawa lagu doortay Jowhar


Xarunta Aqalka Sare
Xarunta Aqalka Sare

Baarlamanka maamulka HirShabeelle ayaa soo dhameystiray doorashada Aqalka Sare, ayada oo caawa la doortay labadii kursi ee ka harsaneyd sideedda kursi ee maamulka kasoo galaya.

Labada Senator ee caawa la doortay ayaa kala ah; Cali Shacbaan Ibraahim, iyo Zamzam Cabdullaahi.

Cali Shacbaan oo ku guuleystay kursiga 7-aad ayaa wareeggii saddexaad ka adkaaday Cabdulqaadir Xanafi Sheekh Bashiir, isaga oo helaya 62 cod, halka Cabdulqaadir Xanafi uu helay 24 cod.

Kursiga ay ku guuleysatay Zamzam Cabdullaahi ayaa waxaa horey ugu fadhisay oo ay ka adkaatay Senator Naciimo Ibraahim. Zamzam ayaa heshay 77 cod, halka Naciima ay ka heshay 8 cod.

Maamul goboleedka HirShabeelle ayaa noqonayaa kii saddexaad ee si buuxda u dhameystira doorashada Aqalka Sare kadib Koonfur Galbeed iyo Puntland. Sidoo kale doorashada Aqalka Sare ee Somaliland ayaa lagu soo geba-gebeeyey Muqdisho, toddobaadkii tegay.

Maamullada Galmudug iyo Jubaland ayaa ah kuwa aan weli soo dhameystirin doorashada Aqalka Sare.

XS
SM
MD
LG