Isku xirrada

War Deg-Deg ah

James Swan iyo mas'uuliyiin kale oo la kulmay Axmed Madoobe


James Swan iyo Axmed Madoobe
James Swan iyo Axmed Madoobe

Wafdi uu hogaaminayay wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo.

Wafdigaas ayaa waxaa qeyb ka ahaa wakiilka guddoomiyaha Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Francisco Madeira iyo mas’uuliyiin kale, waxaana ay kulamo saacada badan qaatay la yeesheen Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirada.

Faafaahinta warkaas waxaa Kismaayo Kasoo diray Wariyaha VOA Aadan Maxamed Salaad.

James Swan iyo mas'uuliyiin kale oo la kulmay Axmed Madoobe
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:18 0:00


XS
SM
MD
LG