Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qaraxyo ka dhacay Baydhaba iyo Baardheere


Baydhaba
Baydhaba

Wararka ka imanaya magaalooyinka Baydhaba iyo Baardheere ayaa sheegaya inay manata ka kala dhaceen laba qarax.

Qaraxa hore ayaa ka dhacay magaalada Baydhaba, waxaana uu ka dhashay miino la dhigay maqaayad agteeda. Qaraxaas waxa aku dhintay 1 qof, 4 kalena way ku dhaawacmeen. Dadka waxyeelladu soo gaartay ayaa la sheegay inay rayid yihiin.

Dhinaca kalena waxaa qarax saaran mooto bajaaj uu ka dhacay magaalada Baardheere ee gobolka Gedo, waxaana uu ku qarxay jid uu maro mid ka mid ah mas’uuliyiinta garoonka diyaaradaha ee magaalada.

Wararka aanu ka helany dadka degaanka ayaa sheegaya inuu jiro dhaawac ka dhashay qarxaaas. Dadka dhaawacmay waxaa ka mid ah maareeyaha garoonka diyaaradaha Baardheere Jaamac Cali Hire iyo sarkaal kale oo ka tirsan mas'uuliyiinta garoonka.

Qaraxa ka dhacay Baardheere ayaa ahaa mid culus oo laga maqlay magaalada Baardheere.

Warbixin ku saabsan qaraxa Baydhaba iyo wareysi aan Gudoomiyaha Dagmada Baardheere Maxamed Cabdullaahi Yuusuf kala yeelanay qaraxa Baardheere, hoos ka dhageyso.

Qaraxyo ka dhacay Baydhaba iyo Baardheere
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:47 0:00


XS
SM
MD
LG