Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dagaalkii deegaanka Bohol oo istaagay iyo khasaare ka dhashay


Dagaal u dhaxeeyey ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa Ahlu-Sunna oo ka socday deegaanka Bohol ee waqooyiga ka xiga magaalada Dhuusomareeb ayaa istaagay, waxaana degan xaaladda.

Wararka laga helayo deegaanka Bohol ayaa sheegaya in dagaalkii uu sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacba oo dhinacyada dagaalamay ah.

Xogta ayaa sheegeysa in ugu yaraan 10 qof oo dhinacyadii dagaalamay ah ay ku dhinteen dagaalka, ayada oo dhaawacuna uu ka badan yahay 20 qof.

Ma jiraan wax waanwaan ah oo dagaalka uu ku qabobay, hasa ahaatee dhinacyada ayaa iskood ugu kala tagay deegaanka Bohol, waxaana suurta-gal ah inay ugu wacan tahay in qoraxdu dhacday.

Hoggaanka Ahlu-Sunna ee horay looga saaray Galgaduud ayaa dib ugu laabtay ayaga oo sheegay inay ka qayb galayaan siyaar ka dhaceysay deegaanka Huurshe.

Si kastaba, soo laabashada culimada ayaa abuurtay xaalad kadib markii ay deegaanka Huurshe kaga dhawaaqeen dagaal ka dhan ah maleeshiyada Al-Shabaab.

Taliska booliska Galmudug ayaa dhawaan qoraal uu soo saaray ku faray ciidamo la sheegay inay ku biireen Ahlu-Sunna, kuwaas oo ka tirsaana qaybaha ciidamada dowladda ee ku sugan Galmudug, inay ka laabtaan.

XS
SM
MD
LG