Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dagaal u dhaxeeya ciidamada Ahlu-Sunna iyo dowladda oo ka socda Galgaduud


Wararka laga helayo deegaanka Bohol ee gobalka Galgaduud ayaa sheegaya in halkaas uu ka billowday dagaal u dhaxeya ciidamada dowladda iyo malayshiyaad taabacsan hoggaankii hore ee Ahlu-Sunna Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan.

Sarkaal ka tirsan ciidanka dowladda ayaa VOA u sheegay in dhimasho iyo dhawac u jiro. Wararka ayaa sheegaya in dhimashada iyo dhaawacu uu gaarayo illaa toddoba qof, inkasta oo aan la kala caddeyn.

Hoggaanka Ahlu-Sunna ee horay looga saaray Galgaduud ayaa dib ugu laabtay ayaga oo sheegay inay ka qayb galayaan siyaar ka dhaceysay deegaanka Huurshe.

Si kastaba, soo laabashada culimada ayaa abuurtay xaalad kadib markii ay deegaanka Huurshe kaga dhawaaqeen dagaal ka dhan ah maleeshiyada Al-Shabaab.

Taliska booliska Galmudug ayaa dhawaan qoraal uu soo saaray ku faray ciidamo la sheegay inay ku biireen Ahlu-Sunna, kuwaas oo ka tirsaana qaybaha ciidamada dowladda ee ku sugan Galmudug, inay ka laabtaan.

XS
SM
MD
LG