Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Doorashada xubnaha Aqalka Sare ee gobollada Somaliland oo maanta lasoo gabagabeynayo


Waxaa maanta la soo gabagabeynaya doorashada xubnaha Aqalka Sare ee gobollada Waqooyi ee Somaliland, iyadoo ay dhici doonto doorashada shanta kursi ee ka dhimmaan 11-ka kursi ee gobolladaas.

Guddiga doorashada gobollada Somaliland ayaa soo saaray jadwalka dhameystirka doorashadan, iyadoo shalay la doortay lix kursi.

Xubnihii shalay la doortay waxaa ka mid ahaa guddoomiyaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xaaji Cabdullaahi, Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar, wasiirka dastuurka Saalax Axmed Jaamac, wasiirka warfaafinta Cismaan Abuukar Dubbe, Layla Axmed Ismaaciil iyo Bilaal Idiris Cabdullaahi.

Liiska musharraxiintaa maanta oo khamis ah tartamaya ee uu soo saaray guddoomiyaha guddiga doorashada Somalialand Khadar Xariir Xuseen ayaa kala ah;

Wixii ku soo kordha doorashadan halkan ayaad kala socon doontaan.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG