Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiilada oo lagu dhaawacay Hargeysa


Golaha Wakiilada Somaliland
Golaha Wakiilada Somaliland

Xildhibaan Axmed Yusuf Guruuje oo ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland ayaa maanta dhaawac loogu gaystay Xaafadda Shacabka oo xarun u ah inta badan Hay’adaha Dawladda.

Xildhibaan Axmed ayaa VOA u sheegay inuu falkan u gaystay Suldaan Saleeban Boqor Cisman oo ka mid ah madax-dhaqameedka Somaliland.

VOA ayaa isku daysay inay khadka telefoonka ku hesho Suldaan oo lagu eedeeyey inuu gaystay weerarkan, hase yeeshee wuu geli waayey telefoonka.

Dhinaca kale Hay’adaha Ammaanka ayan wali ka hadlin dhacdadan. Warkan waxaa Hargeysa kasoo diray Khadar Maxamed Cakule.

Xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiilada oo lagu dhaawacay Hargeysa
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:26 0:00


XS
SM
MD
LG