Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ergada gobollada Waqooyi oo maanta dooranaya lix Senator oo ka tirsan Aqalka Sare


Magaalada Muqdisho waxaa maanta si rasmi ah uga billaabaneysa doorashada xubnaha kuraasta Aqalka Sare ku matali doona gobollada Waqooyi ee Somalialand, waxaana la dooran doonaa lix ka mid ah kuraaskan oo ah 11 kursi, sida uu shaaciyay guddiga doorashada.

Kuraasta maanta waxaa loo tartamayo waxaa ka mid ah kursiga guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi, waxaana la tartamaya Siciid Cumar Xuseen oo goor dambe la shaaciyay inuu la tartami doono Cabdi Xaashi.

Xubnaha tartamaya ayaa shalay jeediyay khdubado ay ku soo bandhigayeen waxqabadkooda iyo hiigsigooda haddii loo doorto kamid noqoshada Aqalka Sare, waxaana madashada doroashada gobollada Waqooyi daahfuray Ra'isul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Xarunta Afisyooni oo ay ka dhaceyso doorashadan ayaa ammaankeeda la adkeeyay, waxaana sugaya ciidammo iskugu jira booliska Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Liiska uu soo saaray guddiga doorashada Somaliland ayaa ahaa sidan;

Wixii ku soo kordha doorashadan halkan ayaad kala socon doontaan.

XS
SM
MD
LG