Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Rooble oo mar kale ka hadlay kiiska Ikraan Tahliil Faarax


Rooble
Rooble

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, oo maanta hadal u jeediyey murashaxiinta iyo Ergada Aqalka Sare Gobollada Waqooyi ee Somaliland, ayaa ka hadlay kiiska Ikraan Tahliil Faarax ee khilaafka ka dhex dhaliyey madaxda dowladda federaalka.

Rooble ayaa xusay in mar walba uu u taagan yahay caddaaladda bulshada Soomaaliyeed, isla markaana kiiska Sarkaal Ikraan Tahliil Faarax laga weecin doonin hannaanka caddaaladda loogu raadinayo, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan u taaganahay cadaaladda kuwa dhibka u geystay Ikraan Tahilil ama maanta aan helno ama berri aan helno gacanta shacabka ayay soo geli doonaan, waana lala xisaabtami doonaa, qalbigiinna kheyr u sheega, maxkamadda Militeriga ayaa loo xil saaray, go’aankeeda ayaana sugeynaa," ayuu yiri ra’iisul wasaare Rooble.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu baaqay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, inay sida ugu dhaqsaha badan u billowdo baaritaanka kiiskan.

Kiiskan ayaa waxa uu khilaaf ka dhex dhaliyey Rooble iyo madaxweyne Farmaajo, ayada oo madaxweynaha uu magacaabay guddi ka tirsan dowladda oo kiiskan baara, halka ra’iisul wasaaraha uu sheegay inay Maxkamadda baari doonto.

XS
SM
MD
LG