Taliyihii Boolsika degmada Xudun ee gobolka Sool Cismaan Maxamuud Saalax ayaa ku geeryooday iska horimaad dhexmaray booliska gobolka Sool iyo kooxo soo weeraray saldhigga booliska ee degamada Xudun.
Geerida taliyaha ayaa waxaa VOA u xaqiijiyey duqa degamada Xudun ee gobolka Sool Maxamed Jaamac Xirsi.
Weriyaha VOA ee Laascaanod Cabdikariim Olol ayaa khadka taleefonka kula xiriiray Maxamed Jaamac Xirsi, wuxuuna weydiiyey sida ay wax u dhaceen.