Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Khasaaraha ka Dhashay Weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Muqdisho


Ugu yaraan 8 qof ayaa ku dhintay 9 kalana waa ay ku dhaawacmeen qarax xooggan oo ka dhacay Isgoyska Ceel-Gaabta ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa ku qarxay meel u dhow bar kontarool oo laga ilaaliyo Madaxtooyada Soomaaliya una jirta madaxtooyada wax ka yar hal kilometre, sida ay VOA u xaqiijiyeen ilo ku sugan goobtaas.

Afhayeenka ciidanka booliska Soomaaliyeed Gaashaanle Maxamed Xassan ayaa u sheegay VOA in ay qaraxan ku nafwaayeen 8 qof oo uu ku jiro askari ka tirsan ciidanka booliiska ee waddooyinka.

“Waxa aan xaqiijineynaa in 8 oof oo u badan rayid ay dhinteen, toddobo kalana ay ku dhaawacmeen qaraxa loo adeegsaday gaariga,” ayuu wariyeyaasha u sheegay Mucaawiye Muudeey oo ah Guddoomiyaha Degmada Xamar Jajab.

Afhayeenka xafiiska Ra’iisulwasaaraha, Maxamed Ibraahim Macallimuu ayaa farriin uu soo dhigay boggiisa Facebook ku sheegay in ay qaraxa ku geeriyootay Hibaaq Abuukar oo ka tirsaneyd Xafiiska Ra’iisulwasaaraha.

“Ilaah ha u naxariisto Hibaaq Abuukar oo ka tirsaneyd Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo ka mid aheyd dadkii saaka ku dhintay weerar bahalnimo ah oo argagaxisadu ay ka sameeyeen bar koontorool oo ku taalla Isgoyska Ceel Gaab,” ayuu qoray Macallimuu.

Kooxda Al-Shabaab ayaa si rasmi ah u sheegatay mas’uuliyadda weerarkan.

Halkan ka dhageyso faahfaahin uu Muqdisho ka soo diray Wariyaha VOA, Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle.

Wararkii ugu danbeeyay ee qaraxa ka dhacay Muqdisho
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:21 0:00


XS
SM
MD
LG