Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dadaallo laga dhex waday Farmaajo iyo Rooble oo guul-darreystay


Waan-waan laga dhex-waday madaxweynaha iyo RW Soomaaliya ayaa mar kale fashil ku dhammaaday. Maamulka Galmudug oo madaxweynahoodu uu qeyb ka ahaa dhex-dhexaadinta labada dhinac ayaa sheegay in guul-darradu ay ka timid dhinaca madaxweyne Farmaajo, laakiin Afhayeenka madaxtooyada Somalia ayaa VOA u sheegay in wadahadlladu aanay fashilmin oo ay sii socon doonaan, isagoo sheegay in madaxtooyada Somalia ay boggaadinayso dadaallada ay wadaan Madaxweynaha Galmudug iyo guddoomiyaha Aqalka Hoose ee baarlamaanka.

Haddaba Maxamed Bashiir Cabdiraxmaan ayaa khadka taleefonka ee Gaalkacyo ku wareystay wasiirka warfaafinta ee Galmudug Axmed Shire Falagle, wuxuuna weydiiyay macluumaadka la xiriira wadadahaddallada fashilmay.

Dhageyso wareysiga wasiir Falagle
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:15 0:00


XS
SM
MD
LG