Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dowladda Soomaaliya oo soo rogtay xayiraado la xiriira COVID-19


Wasaaradda Caafimaadka dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in dalku ku jiro mowjaddii saddexaad ee xanuunka COVID-19, waxayna wasaaraddu sheegtay inay ka walaacsan tahay xaaladda soo laabashada ah ee caabuqa faafa ee COVID-19.

Wasaaradda ayaa soo gudbisay tallaabooyin ay tahay in la qaado, kuwaas oo ay ka mid yihiin dhimista isku socodka iyo kulamada marka laga reebo kuwa daruuriga ah, bandow habeenkii ah, in la joojiyo kulamada iyo isku imaatinnada dadka badani kasoo qaybgalaan, Iyo in dadka ka imanaya 11 waddan ay iska soocaan dadka kale muddo 14 maalmood ah.

Dalalkan ayaa kala ah; Uganda, India, Bangladesh, Nepal, Sri Lanka, Brazil, Mexico, South Africa, Sacuudi Carabiya, Iran iyo Imaaraadka Carabta.

Soomaaliya waxay ilaa haatan diiwaangelisay in ka badan 19 kun oo ah kiisaska COVID-19 iyo 1,079 dhimasho ah.

XS
SM
MD
LG